Abwaan U Jawaabay Maansadii Axmed aw Geedi (Dheeraad) ee Garba-Diir uu ugu Magac daray

  Saturday January 25, 2014 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Abwaan U Jawaabay Maansadii  Axmed aw Geedi (Dheeraad) ee Garba-Diir uu ugu Magac daray Abwaan U Jawaabay Maansadii Axmed aw Geedi (Dheeraad) ee Garba-Diir uu ugu Magac daray

Hargeysa (QYN) waxaan Halkan ugu Jawaab calenayaa Mr. Axmed aw Geedi oo loo yaqaan Dheeraad oo Furay Maanso uu ku dhaliilayo Xukuumadda, uu Madaxweynaha Ka yahay Madaxweyne Axmed Siilanyo, aan horta Afeef dhigtee Abwaan Axmed Aw Geedi waa Muwaadin reer Somaliland ah xaqna wuu u leeyahay in uu xukuumadiisa Dhaliilo, Hadal ama Gabay kuu doorbido, laakiin waxaan la’yaabay oo fajiciso igu noqotay Goormuu Axmed aw geedi kala bartay xumaanta iyo wanaaga, goormuu abwaanku kala saaray xaqa iyo Baadilka.

Waxa xusid mudan in Axmed aw Geedi uu ahaa Shakhsi ay caado iyo dhaqan u ahayd waxa uu manta ka Gabyay ee uu ku tilmaamay cadaalad darrada, Abwaan Dheeraad waxaan xasuustaa kala qeybinta uu ku hayay caruurta dhalaanka ah ee uu horjoogaha ka ahaa markii Havoyoco Joogay, isagoo marwalba doorbidi jiray kolba Inanka ay isku haybta yihiin, Khaasatan isaga Qoyskiisa.

Waxa jira Dhalinyaro badan oo Axmed aw geedi iyo kooxdisu (Havoyoco) ku sameeyeen cadaalad darro iyo faquuq Qabiil oo miciinsaday tahriib.

Abwaanku waxa uu ahaa mid ka fog Qabiil nacbeysi, shakhsi nacbeysi iyo xil doon, waxaan ugu jawaab celiyay Maansadan…..

Axmed aw geediyoo adiguba dhalaankii

dhibaatadu hadhaysiyo, dhaxantiyo dabaylaha

dhowr jeer ku eegtoo, damiirkaaga liitaa Kugu Yidhi Sidaa Yeel

dulmigaad ka dhiidhiiday, mar horaad bilowdee, Maahmaah Horaa Tidhi

“Inaad Saamo Jiidiyo, Sanqadh Tirasho Kala Daa”

Balse Waxaan Ku Leeyahay, waxba Xilkaaga ha u nicin,

sakaraadna ha u noqon, adigoo dhaliishaadu

toban laab ka badan tahay, inaad taah la timaado,

waa midaan na’maraynee, Gees kale ka haanee, imisaad dhalaankii

kuugu yimi xafiiskaad, ka ahayd horjoogaha havoyoco keligaa

Ubadkana Hujuuntoo, Hog Walbana U Diidoo U Horseeday Tahriibee

Dhitadaadii Weeyee, Maxaan Kuu Sameeyaa, Seefuhu Ku Jiidhee

Waxse Aan Ku Leeyahay, Hadii Aabad Saxan Tahay

Garaadkaaga Dib u Baadh, Raadkaaga Dib u Raac, Denbigaaga Faalee

Duruustaada Baadhbaadh, Qalinkaaga Hagaaji ,Oo Waxaad Shubayso

Shaandhadiina U Qaado, Shinbirkaaga Weeyee, Hadaadse Yeeliba Waydo

Adigaa U Go’iye Gabayga Aashaada…..

Abwaan Cali Caalim (kitafaqi)

featured